Soomaaliland oo dad u xir xirtay dilka laba ka mid ah Ciidamadooda

Wararka naga soo gaaraya Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay tiro dad ah u xir xireen dilka laba ka mid ah Ciidamadooda oo lagu dilay Magaalada laas-Caanood.

Askartaan la dilay ayaa ilaalo ka ahaa Xarun laga bixinayay kaararka codbixinta doorashooyinka Soomaaliland,waxaana soo weerartay rag hubeysan oo labadaasi Askari habeen ka hor ku dishay Magaalada laas-Caanood.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Soomaaliland ayaa waxa ay dilkaas u qabteen 16 ruux kuwaas oo Saraakiisha Booliiska Magaalada laas-Caanood ay sheegeen in ay baaris ku hayaan.

Sikastaba weli waxaa qeybo ka mid ah gobolka Sool ka taagan xiisad u dhaxeysa putland iyo Soomaaliland kadib markii Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ay halkaasi geeyeen kaararka codbixinta doorashooyinka,iyada oo masuuliyiinta labada dhinac ah ay Warbaahinta isku mariyeen hadalo kul kulul.

W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta