Soomaaliland oo Ciidamo farabadan geysay Magaalada laas-Caanood

Wararka naga soo gaaraya Magaalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maamulka Soomaaliland uu geeyay ciidamada aad u farabadan.

Ciidamada oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa xalay lagu arkay Xaafadaha Waaweyn ee Magaalada laas-Caanood kuwaas oo ilaa Maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Magaalada laas-Caanood.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaalilan ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dhankooda ay wadaan kuwa Maamulka Khaatuma garabka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatuma.

Xiisadaas ayaa Maanta laga dareemayaa gudaha magaalaa laas-Caanood, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen in ay cabsi soo wajahday.

Saraakiisha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Maamulka khaatuma uu ciidamo usoo daabulay deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyaga oo ka soo horjeedo doorashada Maamulka Soomaaliland sida uu hadalka u dhigeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media