Soomaalidii lagu qabtay Koonfurta Sudan oo la sheegay inay yihiin Tahriibayaal, laguna soo celin doono Somalia

Faahfaahin dheeraad ayaa ka soo baxayso 76 qof oo Soomaali ah oo lagu qabtay dalka South Sudan, oo uu Wasiir ka tirsan Xukuumadda dalkaas u sheegay Saxaafadda inay dadkaas ka tirsan yihiin Dagaalyahanadda Xarakadda Alshabaab.

Wasiirka oo lagu magacaabo Martin Elias Lomuro ayaa Weriyayaasha ugu sheegay caasimadda dalkaasi ee Jubba inay Ciiddanka ilaalo iyo dabagal ku hayeen Dagaalamayaasha Alshabaab oo lagu qabtay Waqooyiga Gobalka Baxar Al-qasaal.

Laakiinse, waxaa warkiisa beeniyey Taliyaha Boliska ee Gobalka Baxar Al-qasaal, oo sheegay in dadka la qabtay ahaayeen Muhaajiriin, oo aysan ahayn Alshabaab.

Taliyaha oo lagu magacaabo Mariing Deng Akuei oo manta la hadlay Idaacadda RADIO TAMASUJI ee laga leeyahay dalka Koonfurta Sudan ayaa sheegay inay Boliska qabteen 74-qof oo Tahriibayaal Soomaali  doonayey inay u sii gudbaan dalka Sudan.

Taliyaha waxa uu carrabka ku dhuftay inay dadkaasi u aqoonsadeen Tahriibayaal oo aysan ahayn Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ama koox kale, sidii ay Dowladda horey u shaacisay.

“Waa Somali, waa Tahriibayaal ka yimid Somalia, waayo waxay qaarkood wateen Waraaqaha Aqoonsiga ee Milliteriga Somalia, halka kuwo kalena ay iska socdeen Baasabooro la’aan” ayuu yiri Taliyaha Boliska ee Gobalka Baxar Al-qasaal.

Waxa u uintaasi ku daray in 55 ahaayeen rag, halka 19-kalena ay haween ahaayeen, kuwaasi oo uu xusay inay da’doodu u dhexeyso 21 jir ilaa 30-jir.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska ee Gobalka Baxar Al-qasaal ee dalka Koonfurta Sudan, Mariing Deng Akuei  waxa uu tilmaamay in Tahriibayaashaasi horey loogu sheegay inay ka tirsan Alshabaab si fiican loola macaamilay.

Wuxuuan sheegay inay qorsheynayaan inay Tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyaan Somalia, si ay ula midoobaan Qoysaskooda.

Xigasho: radiotamazuj.org

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor