Soomaalida u tahriibta dalka Yeman oo la sheegay in lagula kaco Afduub iyo Jir-dil

Agaasimaha Guud ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Muhaajiriinta ee IOM, William Lacy Swing. ayaa ka digay khataraha ay Soomaalida kala kulmaan Kooxaha Dembiilayaasha ee Yemen.

Hadal uu soo saaray Mas’uulkaasi waxa uu ku sheegay in Soomaali badan la afduubto isla marka ay gaaraan, lana jir-dilo, si ay u bixiyaan Lacago Madax-furasho ah.

Waxa kale oo uu sheegay inay Burcadda Yemeniyiinta ay  Soomaalida ay afduubtaan ku gubaan baco dhalaalayo, kuna khasbaan inay la hadlaan  Reerahooda, si ay u bixiyaan Lacagaha Madax-furashada, ka hor intaysan Qaxootiga u sii socdaalin gudaha dalkaasi.