Dibadbax looga soo hor-jeedo in waaxda guryaha dadwaynaha ee magaalada Minneapolis ay iibiso xaafadda Glendale Town-home ayaa khamiistii ka dhacay gudaha xaafaddaasi.
Dadka deggan xaafadda oo ay ka mid yihiin Soomaali badan ayaa sheegay in aanay doonayn inay ka guuraan guryahaan, waxayna ku eedeeyeen waaxda guryaha dadwaynaha ee magaalada Minneapolis in ay dooneyso in ay guryahaasi ku wareejiyo shakhsiyaad hantiilayaal ah balse arrintaasi ayaa waxaa beeniyay Jeff Horwich oo ka tirsan waaxdaasi.
Xaafadan ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa la qorshaynayay in laga dhiso wado tareen oo isku xiraysa labada magaaalo ee mataanaha ah ee St Paul & Minneapolis taasoo qiimahii xaafadaa kor u qaadday.