Soomaalida Maraykanka oo loogu baaqay inay ka mid nqodaan Ciiddanka Boliska

Madaxda Boliska ee Koonfurta Gobalka Maine ee dalka Maraykanka ayaa kala hadlayo Madaxda Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Gobalkaasi arrimo la xiriira mustaqbalka xoojinta Sharciga iyo Hawlaha Boliska.

Taliyaha Waaxda Boliska ee magaalladda Lewiston, Michael Bussiere ayaa booqasho ku kala bixiyey Dugsiyadda ku yaalla deegaanka, iyadoo ay wiilal badan oo Soomaali ah isku diiwaan geliyeen shaqada Boliska.

Wargeyska The Sun ayaa qoray inuu Taliyuhu la hadlay  Waalidiinta Soomaaliyeed, oo uu u shegay inay  20% Waaxda Boliska qorsheynayso in ay Askar badan hawlgab noqdaan saddexda sanno ilaa afarta sanno ee soo socota.

Dhinaca kale, Sarkaal Boliska u qaabilsan Arrimaha Bulshadda ayaa sheegay inay diyaariyeen Labis u gaar ah Haweenka Soomaalida ee kusoo biirayo Ciiddanka Boliska.

Hadalkiisa ayaa u muuqda mid ay ku soo jiidanaya Haweenka ka mid noqonaya Boliska, iyadoo ay Haweenka Soomaaliyeed shuruud ka dhigeen in loo oggolaado inay qamaar xirtaan marka ay hawlaha boliska ku jiraan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor