Soomaalida Maraykanka oo looga digay qorshaha Kooxda Daacish

Xeer Ilaaliyaha Maraykanka, Andrew Luger ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan uu xalay la yeeshay Ergo ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalladda Minneapolis.

Kulankaasi oo lagu madaalsanaa ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Shirarka ee Philips Community Center, waxaana Xeer Ilaaliyaha ku wehliyey Sarkaalka Waaxda Dembi-bnaarista Federalka ee FBI-da ugu qaabilsan Minneapolis, Richard Thornton.

Ku-dhawaad 100 qof ayaa ka soo qeyb galay Shirkaasi oo ka dhacay Koonfurta Minneapolis.

“Xaqiiqada tiiraanyadda leh ee na wada saamaynayso waa inay Kooxda Daacish “ISIL” dhallinyarro ka qoranayso gudaha Maraykanka, waxay dad ka qoranayaan halkan, Minneapolis” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Maraykanka oo Soomaalida ka codsaday inay si wadajir ah ula shaqeeyaan Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Waxa uu intaasi ku daray in la sii wadayo taageeradda Barnaamijka Waxda Caddaaladda ee looga hortagayo  dhallinyarradda loo qorayo inay ku biiraan Kooxaha Xag-jirka, waxaana uu xusay in loo abuuray Shqaooyin iyo Barnaamijyo kale.

Dhinaca kale, Sarkaalka FBI-da ugu qaabilsan magaalladda Minneapolis, Richard Thornton ayaa sheegay inaysan Jaalliyadda ka rajeynayn Maamulayaasha inay joojiyaan Dhallinyarradda ku biiraysa Kooxaha Xag-jirayaasha.

warfaa warfaa2