Saraakiisha Socdaalka ee Garoonka Aadan Cadde oo lagu eedeeyey inaysan Soomaalida laga soo tarxiilay Dalalka Reer Galbeedka siinin lacagihii loogu talagalay Dadkaasi.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in la is-daba mariyo Lacagaha ay Dowladaha Maraykanka iyo kuwa Galbeedka Europe ugu tala-galaan dadka Soomaalida ee  laga  soo masaafuriyo dalalkaasi.

Qaar ka mid ah Dhallinyaro laga soo tarxiilay Maraykanka oo codsaday inaan magacooda iyo codkoodda loo adeegsanin Warbaahinta ayaa u sheegay Radio Dalsan in Saraakiisha Socdaalka ee joogta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka helin Lacagaha ay Hay’adda Caddaaladda iyo Waaxda Socdaalka Maraykanka ugu talagalaan in dadka Soomaalida ee la soo tarxiilayo lagu siiyo marka ay ka soo degaan Garoonka Aadan Cadde.

Nin magaciisa ku soo koobay Cumar ayaa sheegay in qof kasta oo laga soo tarxiilo Maraykanka loogu talagalay in la siiyo lacag dhan 23,000 oo Dollar, taasi oo ay Saraakiisha Maraykanka ee la socota dadka la soo masaafuriyo ugu dhiibaan Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee joogta Garoonka Aadan Cadde.

Dhallinyaradaasi oo xaallad nololeed oo adag kala kulmay Muqdisho ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka kharajkaasi ugu talagaleen inuu qof kasta u adeegsado Kirada Guryaha, Nolol-maalmeedka iyo inuu ku abuurto Shaqo Ganacsi.

Sidoo kale, Nin magaciisa ku soo koobay Cadnaan oo ka mdi ah dadka laga soo tarxiilay dalalka Norway iyo Denmark ayaa muujiyey cabasho noocaasi ah, iyagoo sheegay inaan la siinin Lacagaha loo ballan qaaday in lagu siin doono Garoonka Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray  in qof kasta oo laga soo tarxiilo Noray iyo Denmark loogu talagalay min 32,000 oo Dollar, taasi oo lagula ballamay in la  siinayo marka laga dejiyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Saraakiisha Boliska ee Tarxiilka soo gelibisa ayaa la sheegay inay Kharajkaasi ku wareejiyaan Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee ka hawlgala Garoonka Aadan Cadde, waa sida ay Dhallinyarada la soo tarxiilay sheegeen.

Dhinaca kale, mar aan la xiriirnay xubno ka tirsan Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee Garoonka Aadan Cadde iyo Safaaradda Norway ee Muqdisho wey ka gaabsadeen inay ka jawaabaan arrimahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, waa Xaallad adag in aan dadkaa la siinin Lacagaha loogu talagalay Soomaalida laga soo tarxiilo dalalka Reer Galbeedka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media