Soomaalida ku nool Kanada oo walaac ka muujiyey Sharci lagu mamanuucay in loo safro dalalka ay Kooxaha Islaamiyiinta ka dagaalamaan

Ra’isul-wasaaraha dalka Kanada, Stephen Harper ayaa shalay soo  bandhigay Qorshe Muwaadiniinta Canadian-ka looga mamnuucayo dalalka ay ka hawlgalaan Islaamiyiinta iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda,isla markaana Muwaadiniintii ku xad-gudba Qorshahaasina loo aqoonsanayo Dembiileyaal.

Qaar ka mid ah Qurbo-joogta ku nool dalka Kanada ee ka soo jeeda dalalka ay ka hawlgalaan Kooxahaasi ayaa walaac ka muujiyey Qorshahaasi, kuna tilmaamay mid lagu xakamaynayo Shisheeyaha si aysan u booqaninin dalalkooda hooyo.

Agaasimaha Fulinta ee Qurbo-joogta Soomaalida deggan Kanada, Farah Aw Oman ayaa sheegay inuu ka walaacasna yahay faahfaahinta qorshahaasi, oo uu tilmaamay inay su’aaallo ka imaanayaan ujeedada laga leeyahay cunaqabatayntaasi.

“Ma aha Annaga oo keliya, balse inta badan Jaalliyadaha Muslimiinta ayaa aad uga walaacsan, isla markaana u baahan yihiin inay helaan Faahfaahino dheeraad ah” ayuu yiri Farah Aw Osman.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan weli kala caddayn haddii ay Somalia ka mid tahay dalalka la mamnuucay in ay dadka haysta Dhalashada Kanada booqan karaan.

Qorshahan cusub ee ay Dowladda Kanada ku mamnuuceen in booqasho lagu tago dalalka ay ka hawlgalaan Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Waaxyaha Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarinta ee Kanada horey xayiraad ugu soo rogeen inay dadka Kanadiyaanka booqan Karin magaalladda Muqdisho.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor