Soomaalida ku nool dalka Namibia oo lagu hayo dabagal ku aadan inay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo Alqaacida

Saraakiisha Sirdoonka Boliska iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka  ee dalka Namibia ayaa la sheegay inay si wadajir ah ilaalo ugu hayaan qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi oo xuduud la leh dalalka Koonfurta Afrika, Botoswana iyo Angola.

Shabakadda Wararka ee namibian.com.na  ayaa qortay inay heleen xog muujinaysa inay Hay’addaha Ammaanka dalkaasi ilaalo ku hayaan Soomaali lagu tuhunsan yahay inay Dhaqdhaqaaqyo Argagixiso ka wadaan dalkaasi, iyadoo tiro ka mid Unugyadda lala xiriirinayo Argagixisadda la tuhunsan yahay inay si xooggan uga hawlgalaan caasimadda dalkaasi ee Windhoek iyo magaalladda kale eeRehoboth.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Shabakadaasi in baaritaano lagu hayo haddii ay suurtogal tahay xubno wakil ka ah Alshabaab iyo Alqaacdia ka hawlgalaan dalka Naimiba, inkastoo ay Haweeneyda Xeer-ilaaliyaha Guud ee ka ah dalkaasi, Martha Imalwa beenisay inuu Xafiiskeeda ku lug leeyahay baaritaanadaasi.

Ilo-wareedyo ku sidkan Hay’addaha Xoojinta Sharciga ee dalakasi ayaa tilmaamay in dadka sida xooggan loo tuhunsan yahay yihiin Qaxootiga u kala dhalatay Somalia, Ethiopia iyo Kenya, iyadoo Maamulayaasha rumeysan yihiin inay Namibia u adeegsanayaan maadaama aan si fufud loo waergelin Karin.

Hay’addaha Ammaanka waxay rumeysan yihiin in dadka looga shakisan yahay Alshabaab iyo Alqaacida badankooda dhanka dhulka ka soo galaan, iyadoo inta badan ay dadkaasi ka yimaada dalka Koonfurta Afrika.

Dadkaasi la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in dalka Namibia laga masaafuriyo marka uu xilliga Fisiaha ka dhaco, inkastoo ay jiraan kuwo raaca Duullimaadyadda Tooska ee Shirkadda Diyaaradaha ee Air Namibia ku tagaan magaalladda Frnakfurt ee dalka Jarmalka, kadibna ay u gudbaan Turkiga, lana waayo halka ay u baxsadaan.

Tusaale ahaan waxaa loo soo qaatay Kiiska nin Somali oo lagu magacaabo Ibrahim Mohamed Abdi, kaasi oo ay Hay’addaha Ammaanka ee dalka Nambia xireen bishii December ee sannadkii 2013-kii, xilli uu doonayey inuu Baasaboor Macamal ah ugu dhoofo magaalladda Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu Hay’addaha Ammaanka ee dalka Namibia la shaqeeyo, isagoo sheegay inuu ku sii jeeday Europe, isla markaana uu safarkiisa ugu dambeeyo ku tegi lahaa dalka Turkiga.

Shabakadda Wararka ee namibian.com.na  ayaa qortay inuu Ibrahim Mohamed Abdi u sheegay Hay’addaha Ammaanka in cinwaanka xiriirkiisa ee gudaha Namibia yihiin Nin Somali oo lagu magacaabo Mohamed-nuur Hussien Ibrahim iyo Nin Ethiopian ah oo lagu magacaabo Abraham Tadesse Belay, oo ay Hay’addaha Ammaanka  Namibia ku eedeeyaan inay labadaasi nin ka tirsan yihiin Alshabaab.

Boliska dalkaasi oo labadaa nin ee  Mohamed-nuur Hussien Ibrahim iyo Abraham Tadesse Belay bishii January ee sannadkii hore ka soo qabteen magaalladda Windhoek waxay ka heleen inay wateen Laysinadda Dareewalnimadda ee Kenya oo la been abuuray.

Raggaasi ayaa la sii daayey, kadib, markii ay gacanta Boliska ku jireen muddo 17 bilood ah, laguna waayey eedeymihii loo haystay.

Si kastaba ha ahaatee, Waddanka Namibia oo  ka mid ah Waddamadda ugu xasilloon Qaaradda Afrika ayaa waxa uu haatan xoojiyey Hay’addaha Ammaanka, iyadoo si gaar ah indhaha loogu hayo dadka lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab iyo Alqaacida.

© Radio Dalsan