Soomaalida ku nool dalka Kanada oo cabasho ka muujiyey dadka Soomaalida ee lagu dilayo dalkaasi.

Dhaqdhaqaaqyahano ka tirsan Isbahaysiga Jaalliyadda Edmonton ee Xuquuqda Aadanaha ayaa dareen walaac leh ka muujiyey tiradda sii kordhayso ee Dilalka aan weli la xalinin ee loo geysto dadka looga tirto badan yahay magaalladda Edmonton ee Gobalka Alberta ee dalka Kanada.

Maxamed Accord oo ka tirsan Isbahaysiga “The Edmonton Community Coalition for Human Rights”  ayaa sheegay inay u baahan yihiin Taageero iyo in lga hadlo arrintaasi.

Waxa uu tilmaamay iny jiran Tobanaan qof oo Dhllinyaro Somali h oo lagu dilay Gobalka lberta tan iyo bilowgii sannadihii 2000.

Maalintii Sabtid waxaa magaalladda Edmonton ka dhacay Socod taageero loogu muujinayo xubnaha Jaalliyadda Soomaalida iyo in lagu maamuso dadkii naftooda ku waayey.

Socodkaasi oo loogu magc daray Socodka Cddaldda (The Walk for Justice) ayaa waxaa lagu maamusayey 35-snno guuradii ka soo wareegtay Asaskii Dastuurka Kanad ee Xuquuqda iyo Xorriyadaha (The Canadian Charter of Rights and Freedoms).

Tobaneeyo qof ayaa ku soo biirtay Socodkasi oo qiyaastii ahaa 25-KM, kaasi oo ka soo bilowday Qabuurha Muslimiinta ee magaalladda Edmonton ilaa Fagaaraha Churchill Square.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media