Soomaalida Kenya ee ku biirayo Kooxda Daacish oo sii kordhaya

Iyadoo ay Warbaahinta Kenya shaaciyeen inay Labo gabdho oo Somali Kenyan ah gaareen gudaha dalka Syria, kuna biireen Dagaalamayaasha Daacish, ayaa waxaa soo if baxay in Wiil Somali Kenyan ah uu isagana ka barbar dagaalamayo Kooxda Daacish ama Dowladda Islaamka ee IS.

Abdihakim Abdisamad oo  Culuunta Sharciga ka baran jirey Jaamacadda Kenyatta University ee magaalladda Nairobi ayaa la xaqiijiyey inuu bishii hore u dhoofay dalka Syria, si uu ugu biiro Dagaalamayaasha Daacish.

Nin ay ehel yihiin Abdihakim Abdisamad oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa u sheegay Wargeyska the Standard inay ku guul-daraysteen inay ogaadaan bixitaankiisa, inkastoo uu labo isbuuc kadib la soo hadlay Ehelkiisa.

Waxa uu tilmaamay inay Boliska u gudbiyeen Nambarka Telefoonka uu kala hadlay, balse Boliska wey awoodi waayeen inay ogaadaan halka uu si dhab ahaan ugu sugan yahay.

Qoyska Abdihakim Abdisamad ayaa sheegay inuu u ballanqaaday inuu dib u  soo laaban doono bishan May Kowdeedii, balse uusan weli soo laabanin.

Dhinaca kale, Labo gabdho oo ka so ojeeda Somaalida Kenya ayaa iyagana la xaqiijiyey inay ku sugan yihiin dalka Syria, kuna biireen Kooxda Daacish.

Gabdhahaasi oo lagu kala magacaabo Salwa Abdalla iyo Tawfiiqa Dahir ayaa la sheegay in ay ka so ohadleen gudaha dalka Syria, inkastoo ay Waalidkooda ka argagaxeen, markii ay maqleen warkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor