Soomaali Maanta lasoo taagayo Maxkamad ku taala Mareykanka

Dhalinyaro soomaali ah oo gaareysa 7 oo doonayay in ay ku biiran Daacish,ayaa maanta oo arbaco ah waxaa lasoo taagayaa maxkamd ku taala dalka Mareykanka.

Dhalinyarada ayaa lagu cadeeyay in ay doonayeen in ay ka duuli lahaayeen garoonka diyaaradaha ee Minnesota, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka ee dalkaasi, mareykanka.

Toddobada ruux ee soomalida ah ayaa waxaa ay dhamaantooda ay kasoo jeedaan Minneasota, waana halka ugu badan ee soomaalida dalkasi ay degan tahay.

Xeer ilaaliyaha dhinaca difaaca Mareykanka, ayaa sheegay in raggan ay ahaayen kuwo ay ka go’neyd in ay ku biiraan jihaadistayaasha Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor