Soomaali loo maxkamadeeyey Muwaadin Soomaaliyed oo lagu dilay Kanada

C/risaaq Yabarow oo 37-jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Toronto ee Gobalka Ontario ee dalkaasi, kadib, markii lagu soo oogay inuu dilay Marxuum la oran jirey C/naasir Xuseen oo 42-jir ahaa.

Boliska waxay Eedeysanaha ku soo oogeen Dembiga Dilka Heerka 2-aad,  isagoo loo haysto inuu dilay Marxuumkaasi oo maydkiisa Arbacadii hore laga helay dhismo ku yaalla Degmadda Rekisdal oo ka tirsan magaalladda Toronto ee dalkaasi.

Qoaal-dacwadeed ay Baarayaasha  diyaariyeen ayey ku sheegeen inuu dilkaasi ku salaysnaa muran u dhexeeyey Gacan-ku-dhiiglaha iyo Marxuumka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dembi-baarayaasha faahfaahin kama bixinin qaabka loo dilay Marxumka, iyadoo maydka Marxuumka haatan ay baaritaan ku hayaan Dhakhaatiirta ku takhasustay baaritaanka sababaha ay u geeriyoodeen dadka la dilay.

Dhinaca kale, Gacan-ku-dhiigle C/risaaq Yabarow ayaa lagu wadaa in mar kale maanta la soo taago Maxakmadda Toronto.

Si kastaba ha ahaatee, dilka Marxum C/naasir Xuseen ayaa noqonaya qofkii 46-aad ee Somali ah ee sannadkan lagu dilay Toronto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media