Soomaali lagu weeraray Magaalo ku taalla dalka Itoobiya

Soomaalida ku dhaqan magaaladda Nazareth oo ilaa 100 Km u jirta Caasimada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la soo darsay cabsi xoogan kaddib markii sida la sheegay ay weerarro kala kulmeen dad ka tirsan qowmiyadda Oromada oo beegsanaya guryaha iyo ganacsiga dadka soomalida ah ee halkaasi deggan.

Arrimahani ayaa daba socday xiisad colaadeed oo labadan qowmiyadood u dhaxeysa muddo bilo ah taas oo sababtay gacan ka hadal.

Maxamed Cabdi Ibraahim oo ka mid ah dadka ku nool Magaalada Nazareth ayaa sheegay in mudo dhowr maalin ah uu cabsi aawgeed uga bixi la’yahay hoygiisa isla markaana ay soo wajahday dhibaato culus.

Horay ayaa deegaano ka tirsan Bariga dalka Itoobiya waxaa loogu laayay Soomaali farabadan,waxaana sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media