Soomaali lagu eedeeyey inay lacago u xawileen waxa loogu yeeray Unug Argagixiso oo lagu xiray Mombasa

Saraakiil ka tirsan Waaxda La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa lagu soo waramay inay saddex Ganacsato Soomaali ah ku xireen magaalladda Mombasa, kuwaasi oo haystay xaddi badan oo Lacagaha Dollarka, Shillinka Kenya iyo kuwa Uganda.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Mahad Cumar, Saciid Suufi, Amiin Maxamed iyo Shariif Cabdiraxmaan laga soo qabtay labo dhismo oo ku yaalla Mombasa.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay in Eedeysanayaasha lahaayeen Goobo Ganacsi iyo Xawaalad aan sharci lahayn.

Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay inay Xawaaladda ku maalgeliyaan waxa loogu yeero Argagixisadda.

Taliye-xigeenka Boliska Mombasa, James Kithuka ayaa xaqiijiyey in Ganacsatadaasi Soomaalida ah la xiray, isla markaana ay Boliska weli ku hawlan yihiin baaritaankooda.

Xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala gudaha Kenya ayaa lagu soo rogay xayiraad, kadib, markii ay Dowladda Kenya ku eedeysay inay taageeraan Hawlgalladda Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Sidoo kale, Ammaanka dalkaasi ayaa aad loo adkeeyey, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishan 2-dii weerareen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148-qof.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor