Soomaali laga musaafurinayay Mareykanka oo tacadiyo loo geystay

Xilibaan katirsan aqalka Congreska ee dalka Mareykanka ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo sagaashan qof oo Soomaali ah oo la sheegay in si aan wanagsaneyn loola dhaqmay xili loo tarxiilayay Soomaaliya.

Keith Ellison ayaa sidoo kale sheegay in dadkaasi iyaga oo jeebeysan loo diiday daawo, musqul iyo raashin ay cunaan muddo 48-saacadood.

Diyaaradii la saaray dadkan ayaa la sheegay in aysan tegin Soomaaliya oo ay ka soo laabatay wadanka Senegal, dibna ay ugu laabatay magaalada Miami ee dalka Mareykanka.

Eedeymahasi waxaa beeniyay laanta socdaalka ee dalka Mareykanka,balse hooyo dhashay mid kamid ah wiilasha laceliniyay ee 92 ka kooban,ayaa sheegtay in si aan wanaagsaeyn lool dhaqmay dadka uu wiilkeeda ku jiro.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media