Soomaali ku geeriyootay dalka Masar iyo Tahriibayaal ku sii jeeda Yuhuudda oo la qabtay

Shan qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen caasimadda dalka Masar ee Qaahira, kadib, markii ay ku neef-qabitoomeen gaaska lagu karsado cuntadda.

Sida aynu ka soo xiganay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxay dadkaasi ku geeriyoodeen Xaafadda Caashir ee magaalladda Qaahira, halkaasi oo ay Soomaali badan ku nool yihiin. Dadka ku geeriyooday shilkaasi ayaa la sheegay inay kal ahaayeen afar carruur ah iyo haweeney Jaariyad u ahayd Ciyaalkaasi oo la sheegay inay hooyadooda ku nooshahay dalka Sweden.

Soomaalida deriska la ah Qoyskaasi ayaa la sheegay inay jebiyeen guriga ay ku jireen dadka geeriyooday, waxayna Goobjoogayaal sheegeen inuu naqaska ku xirmay dadkaasi.

Saraakiil ka socotay Ciiddanka Nabad-sugidda iyo Xeer-ilaalinta Masar ayaa la sheegay inay goobta soo gaareen, waxayna bilaabeen baaritaano lagu ogaanayo sababaha ay dadkaasi u geeriyoodeen.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka Dhexe ee dalka Masar waxay fashiliyeen Tahriibayaal Afrikaan ah oo ay Soomaali ku jireen, kuwaasi oo doonayey inay  u tahriibaan Yuhuudda.

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor