Somaliland oo Xirtay wiilki dhalinyarada ah ee Imaaraadka so Celiyeen Xili uu Qadar ku si jeeday (Warbixin)

Somaliland waxay sheegtay inay xirtay Ismaaciil Cumar oo ah wiilkii sheegtay in tartanka Quraanka ee Imaaraadka looga soo saaray, Go’aanka Soomaaliya ee arrinta khaliijka darteed.

Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa sheegay in Ismaaciil ay ciidamadu ka qabteen airport ka Hargeysa, isagoo u socda Qadar, wuxuu sheegay in ay baaritaan Ku hayaan.

Baashe wuxu yiri “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.

Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.

Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.

Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan”