Somaliland oo xir xirtay dad looga shakiyay iney ka tirsan yihiin Al Shabab

Ciidamada Ingiriiska uu tababaray ee Somaliland (RRU) ayaa qab qabtay rag ay la xiriiriyen Al Shabab sida ay sheegeyso warbaahinta maamulkasi.

Ciidamada ayaa xiray maalintii Jimcaha ugu yaraan seddex oo ay ku xiren saldhig ama goob kale oo la shaacin.

Saraakiisha ammaanka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa iney warbaahinta u diiden iney wax ka ogaato xariga raggan lala xiriiriyay Al Shabab.

Somaliland ayaa hore uga hortagtay bishii May weerar ay sheegtay in unugyo ka tirsan Al Shabab ay halkasi ka waden,iyaga oo xiray soona bandhigay rag badan iyo 7 laabtob oo ay soo helen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor