Somaliland oo sheegtay inay sii daayeen Wiil ka tirsanaa Ciiddanka Puntland oo lagu dhaawacay Dagaalkii Tukaraq

Wasaaradda Difaaca ee Maamulka Somaliland ee W/galbeed Somalia ayaa sheegtay inay sii aayeen Wiil 14-jir ah, kaasi oo ay Askareeyeen Maamulka Puntland.

Wiilkaasi oo lagu dhaawacay, laguna soo qabtay dagaalkii isbuucii hore ka dhacay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool waxaa magaciisa lagu sheegay Liibaan Cabdi Cali.

U-ololeeye Xuquuqda Aadanaha oo lagu magacaabo Axmed Yuusuf Xuseen oo Saxaafadda kula hadlay magaalladda Hargeysa ayaa sheegay in shalay la sii daayey Wiilkii yaraa, laguna wareejiyey Hooyadiisa oo magaceeda lagu sheegay Sacdiya Cabdi Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland kama hadlin sheegashadda Somaliland ee lagu sii daayey Wiil yar oo ka barbar dagaalamayey Ciiddanka Puntland ee ku sugan Jiidda Hore ee Deegaanka Tukaraq oo ay Ciiddanka labada Maamul beryahan isku dilayeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor