Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay in ay cafis u fidiyeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya marna soo noqday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed kana mid ahaa Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas ee xilalka ka qabta dowladda Federaalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in cafis loogu fidiyey Ridwaan Xersi Maxamed,kadib markii horay uu uga soo horjeestay jiritaanka Qaranimada Soomaaliland sida ay hadalka u dhigeyn.
Warqada ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahi Axmed ayaa lagu sheegay in ay daba socoto go’aano horay cafis loogu fidin jiray siyaasiyiinta xilalka ka soo qabta Dowladda Soomaaliya kaas oo ay horay u fuliyeen Madaxweynayaashii soo maray Soomaaliland.
Ridwan Xersi Maxamed ayaa Ra’’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya waxa uu noqday xilligii xukuumadii Ra’iisul Wasaare Cabduweli Axmed Maxamed ee uu Madaxweyne dalka ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland.