Somalia oo weli hayinka u haysa Horyaalka Dowladaha ku caan baxay Musuqa Siyaasadeysan

Inkastoo ay Dowlad Rasmi oo la aqoonsan yahay ka hanaqaaday Somalia, isla markaana Horumar laga gaaray Hawlgalkii AMISOM, ayaa waxay Somalia weli safka sare kaga jirtaa Liiska Kala-horreynta Dowladaha xarfaanta ku ah Musuqa iyo Xisaabtan La’aanta.

Cilmi-baaris cusub oo ay soo bandhigtay Hay’adda Caalamiga ee Transparency International (IT) ee uu Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda Berlin ee dalka Jarmalka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heerarka Musuqa Siyaasadeysan ee Dowladaha Caalamka.

Hay’adda Caalamiga ee Transparency International oo ah Hay’ad aan Dowli ahayn waxaa la asaasay bishii May ee sannadkii 1993-kii, waxayna inta badan soo bandhigtaa Dhacdooyinka Caalamiga ee Heerka Musuqa Siyaasadeysan ee Horumarinta Caalamiga.

Warbixinta cusub oo maalintii Khamiista ee la soo dhaafay la baahiyey ayaa waxaa dalalka Somalia iyo Waqooyiga Kuurya lagu qiimeeyey inay yihiin Dowladaha hayinka u haya Musuqa Calaamka, waa sida lagu xusay Warbixintaasi.
Warbixinta cusub ee Hay’adda Caalamiga ee Transparency International (IT), ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo dhowkii bilood ee la soo dhaafay ay Kooxda QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran Somalia iyo Eritrea ka shanqariyeen inay Saraakiil ka tirsan Dowladda Federalka ku lug leeyihiin Kiisaska Musuqa.
Dalalka Somalia iyo Waqooyiga Kuurya waxay ugu horreeyaan Liiska Dowladaha ku sifoobay Musuqaa, waxaana ku xiga Dowladda Afganistan.

Liiska waxaa kaloo ku jira Dowladaha Labada Sudan, Iraq, Libya, Eritrea, Angola, Yemen, Zimbabwe, Burundi, Venesuela, Syria iyo kuwo kale.
Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda Caalamiga ee Transparency International (IT) ee Qiimeynta Dowladaha Caalamka waxaa kaloo lagu soo bandhigay Dalalka ugu musuqa yar Caalamka.

Waxaana ka mid ah dalalkaasi: Denmark, New Zealand, Finland, Sweden, Norway, Switzerland, Singapore, Netherlands, Japan, Canada, Australia, Germany, Iceland, Britain, Maraykanka, Belgium, Ireland iyo Hong Kong.

WQ. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor