Somalia oo ashtako ka dhan ah Kenya u gudbinayso Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “ICJ”

Dowladda Federalka Somalia ayaa lagu wadaa inay berrito Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee QM “The United National International Court of Justice” u gudbiyaan Dukumentiyadda dacwadda ka dhanka ah Dowladda Kenya, kuna aadan muranka xuduud-baddeedka.

Tallaabadda ay Dowladda Federalka dacwadaasi ugu gudbisay Maxkamadda ICJ ayaa muujinayso inuu bilowday Dagaal dhanka Sharciga ah, kaasi oo lagu doonayo in lagu difaaco xuduud-baddeedka Qaranka Somalia.

Xeer-ilaaliyaha Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir iyo Khubaro dhanka Sharciga ayaa lagu wadaa inay berrito (July 13, 2015)  inay Gal-dacwadeedka Somalia u gudbiyaan Mas’uuliyiinta Maxkamadda ICJ oo ku taallo magaalladda The Hague ee dalka The Netherlands.

Qoraalkaasi oo ka kooban 150 bog ayaa waxaa ku lifaaqan Maab muujinaya ballaca xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya.

Maxkamadaasi waxaa sannadkii 1945-kii lagu asaasay Axdi-Sharciyeedka QM, waxayna hawsheeda si rasmi ahaan u bilowday sannadkii 1946-kii.

Golaha Guud iyo Golaha Ammaanka ee QM ayaa soo doorta 15-ka Garsoore ee Maxkamadda ICJ, kuwaasi oo noqda Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ.

Dagaalka dhinaca Sharciga ee ay Dowladda Federalka Somalia ku doonayso Milkiyadda Xuduud-baddeedkaasi  ayaa waxa uu muujinaya in hab Sharci Caalami loogu go’aamiyo Milkiydda xuduud-baddeedkaasi oo dhererkiisu gaarayo in ka badan (100,000 oo km2).

Dhegeysiga Dacwadaasi ayaa la filayaa inay Xeer-beegtidda Maxkamadda ICJ bilaabaan bisha March ee sannadka soo socda, waxaana la filayaa in go’aanka kama dambaysta.lagu dhawaaqo dhowr sanno kadib.

Dowladda Kenya waxay ku khasban tahay inay muddo 8 bilood gudaheeda kaga soo jawaabto Dacwadda Somalia marka ay Maxamadda ICJ si rasmi ahaan u furto Kiiskaasi bisha March ee sannadka soo socda ee 2016-ka.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inaysan ku qanacsanayn in dacwaddaasi loo gudbiyo Maxkamadda ICJ, maadaama ay Qandaraasyo iyo Sahan badan ku bixisay si loo ogaado Kheyraadka dabiiciga ee dhex ceegaagan xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Maamulayaasha Kenya waxay kaloo olole ugu jiraan si ay mar uun u hantaan badda lagu murunsan yahay, si ay Saboolnimaddda baahsan uga baxaan wax-soo-saarka dhex ceegaaga sohdin-baddeedka Somalia.

Qorshaha Dowladda Kenya ku doonaysay in si xaal-mastuur loogu dhameeyo dacwadasi ayaa ahayd si ay labada Dowladood dib u calaamadeeyaan Sohdinta badda lagu murunsan yahay.

Sharci-yaqaanadda Kenya waxay doonayeen in xuduud-baddeedka ahaado mid si toos ah dhinaca Bari uga soo bilaabanayo xuduudka dhulka.

Sohdimaynta noocaasi ayaan la oggolaan karin, maadaama ay weli Kenya boob ku haystaan dhul badan oo Somali ah, kaasi oo taxan ilaa Gobalka NFD ee W/bari Kenya.

Dowladda Somalia ayaa rumeysan in loo baahan yahay in sohdinta badda ka soo bilaabanto xariijinta dhulka xuduudka ee ay labda waddan wadaagaan.

Garnaqsiga Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa qaadan karta dhowr sannadood, waxayna Kenya xilligan qaabkan dhul boob ahaan kaga faa’ideysanaysaa qorashaha ay ku dedejinayso Derbiga laga dhisayo Xuduudka Somalia,

Waxaana habboon in laga feejignaado Shaxda Kenya, maadaama ay u dhaqmayso sida Dabeecadaha Yaxaaska ee uu afka iyo saynta ku dagaalamo si uusan u  waayin calafkiisa.

Markaynu isku soo duubno, Ummadda Soomaaliyeed ee Waddaniyiinta ah waxaa la gudboon inay Dowladda Federalka ku taageeraan Halganka Dacwadda Maxkamadda ICJ, maadaama dacwadda sharciga loo marayo ay  la mid tahay dagaalka hubeysan.

WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor