Somalia ARAGTO-IFISO: Xushmeey Koontada 30%, ma jiri karto Xulasho Haween La’aan ah.

Odayaasha Dhaqanka iyo Hay’adaha Doorashadda waxaa waajib ku ah ina xushmeeyaan Koontadda Haweenka ku leeyihiin Barlamaanka oo ay horeyba ugu heshiiywwn Madasha Wada-tashiga Qaranka “The Somali National Leadership Forum”.

ARAGTO-IFISO ayaa maanta sheegtay dhamaadkii 20-sanno oo ay colaado ka jireen Somalia, inaan la samayn karin Hannaan Hoggaamineed oo aan Haween lahayn.

Iyadoo Wakiilnimada Haweenka ahayd Hadafka lagu sameeyey Barlamaanka Somalia ee sannadkii 2012-kii, haddana Haweenka ma aysan helin Koontada 30% ee loo qoondeeyey.

Somalia waxay horey ugu dhaqaaqday Nidaamka Doorashadda ee 2016-ka, waa in la fuliyaa Bllanqaadkooda Wakiiladda Hawenka ku yeelanayaan Barlamaanka.

135 Odayaal Dhaqameed Soomaali ka kala yimid dhamaan Qabaa’illadda Somalia waxay dooran doonaan 14,025 Ergo oo soo xuli doonaan 275-ka Xildhibaan ee Barlamaanka Somalia. Koontadda 30% ee Haweenka waa inay la mid noqoto xubnaha Doorashadda.

Haddii ay Xubnaha Doorashadda ku fashilmaan inay Haweenka u xulaan mid ka mid ah saddex Kursi ee Barlamaanka, waxay ARAGTO-IFISO ugu baaqi doonaan Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dadbae ee Federlka (FIEIT) inuu gaashaanka ku dhufto Codeyntaas.

hassan-shire“Haweenka waxay  dhibaatadu haysatay in ka badan 20 snno iyo bar oo ay dagaallo sokeeye dhaceen” ayuu yiri Guddoomiyaha ARAGTO-IFISO, Dr. Xasan Shire Sheekh.

“Barlamaanka soo socdo waxaa waajib ku ah inuu asaas u yeesho khibradihii Qoysaska iyo Dhibanayaasha colaadaha sokeeye oo iyagu fahmayo, isla markaana qaadayo Tallaabooyinka Adag ee loo baahan yahay in lagu xaqiijiyo Xorriyadda iyo Nabadda Somalia” ayuu sii raaciyey Xasan Shire.

ARAGTO-IFISO waa Mashruuc Bulshadda Rayidka oo loogu talagalay inay ifiyaan Nidaamka Doorashadda Somalia iyo inay Jilayaasha Qaranka ka dhabeeyaan xubinimadda Haweenka ee Dowladda Somalia iyo inay Doorashadu noqoto mid Xor iyo Xalaal ah.

Xigasho: ARAGTO-IFISO

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor