Somali-Swedish ay Boliska Uganda ka qaateen Baasaboorkiisa iyo Boqolaal Dollar.

Samantar Cigaal oo ah Muwaadin haysta Dhalashada dalka Sweden ayaa la sheegay inuu muddo labo bilood ku xayiran yahay Uganda, kadib, markii uu fasax labo isbuuc ku tegay bishii Feberaayo ee la soo dhaafay.

Samantar Cigaal waxa uu ku eedeeyey Boliska Uganda inay ka qaateen Baasaboorkiisa, kuna eedeeyeen inuu sharci la’aan ku joogay Uganda, inkastoo Fiisahiisa weli cusub yahay oo uu dhici doono labo bilood kadib.

Isagoo la hadlayey Wrageyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala waxa uu tilmaamay in hal maalin isagoo doonayo inuu dib ugu laabto Sweden inuu Hawlwadeen ka tirsan Ammaanka Garoonka Entebbe Airport u sheegay inuu wato Tikidh la been abuuray.

Waxa uu sheegay inay la socotay Haweeney Somali ka taageertay sidii uu Tikidhka lagu haysto uga soo iibsado Shirkad u qaabilsan Socdaalka iyo Tikidhada oo ku taalla Kampala.

Waxa uu intaasi ku daray markii ay isaga iyo Haweeneydii la socotay  ku soo laabteen Kampala inay kula talisay inay sii aadaan Deegaanka Naguru, wuxuuna xusay in isaga lagu xiray Saldhigga Boliska Naguru, ka hor intaan lagu khasbin inuu bixiyo 500-Dollar si loo sii daayo.

Samantar Cigaal waxa kaloo uu sheegay in loo sii gudbiyey Saldhigga Boliska Dembi-baarista Uganda oo ku yaallaKibulu, halkaasi oo lagala wareegay Baasaboorkiisa, Mobaylkiisa iyo Dukumentiyo uu watay.

Markii ay Boliska sii daayeen ayaa waxaa haddana mar kale qabtay Bolis ka socda Saldhig ku yaalla qeybta Qadiimiga ee magaalladda Kampala, waxayna ku eedeeyeen inuu dalka si sharci-darro ku joogo, waxaana la dhigay Xabsiga oo uu 7 maalmood ku jiray.

Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ayaa loo gudbiyey, waxayna baaritaan kadib u sheegeen inaan iska bixi karo, oo uusan wax Dembi ah lahayn.

Madaxa Farsamadda ee Waaxda La-dagaalanka Argagixisadda Uganda, David Wasswa ayaa sheegay inay Kiiska Ninkaasi la kaashadeen Safaaradda Swedish ku leedahay magaalladda Kampala, una xaqiijiyey in uusan Dembi lahayn Samantar Cigaal.

Madaxa Dembi-baarista ee Saldhigga Old Kampala Police Station, Denis Musiime waxa uu isagana sheegay inay Kiiska Samantar Cigaal soo dhamaystireen, oo uusan Dembi lahayn.

Samantar Cigaal waxa aan weli loo soo celinin Passaboorkiisa iyo 500 Dollar ee ay Boliska Uganda ka qaateen, waxaana haatan Arrintiisa soo farageliyey Diplomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Swedish ku leedahay Kampala.

Samuel Sandberg Bremmel oo ka tirsan Safaaradda Swedishka ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Monitor inay si dhow ula socdaan Kiiskaasi, kana war dhowrayaan waxa ku soo kordha.

Xigasho: The Monitor

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor