Somali-Maraykan FBI-da ugu hanjabay Twitterka oo lagu sii haynayo Xabsiga.

Khaalid Aadam C/qaadir ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Maraykanka, kadib, markii uu barta Twitterka dhigay Farriin uu ugu hanjabayo Dembi-baarista Boliska Federalka ee FBI-da.

Khaalid Aadam C/qaadir oo 19-jir ah ayaa la sheegay inuu Farriintaasi soo dhigay maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, kadib, markii la xiray saaxiibkiisa, Abdirizak Mohamed Warsame oo 20-jir ah, kuna eedeysan inuu qorsheynayey inuu ku biiro Kooxda Daacish.

Khaalid Aadam C/qaadir ayaa lagu soo oogay inuu barta Twitterkiisa ku soo qoray “Kill them FBI” oo la micno ah “Dila iyaga, FBI-DA” iyo “I’m kill them” oo la micno ah “Aniga waa dilayaa iyaga”.

Inkastoo Farriintiisa Khamiistii laga masaxay Twitterka, haddana Maxkamadda waxaa loo soo gudbiyey nuqul ka mid ah Qoraalka laga soo minguuriyey Twitterkiisa.

Garsoorad Becky Thorson ayaa amartay in Khaalid Aadam C/qaadir lagu sii hayo xabsiga damiin la’aan ilaa maalinta Arbacadda ee soo socota.

Khaalid Aadam C/qaadir ayaa la sheegay inay muddo ilaalo ku hayeen Dembi-baarista FBI-da, waxaana Maxkamadda la tusiyey Farriimo Twitter ah oo uu Khaalid Aadam C/qaadir kula xiriiray nin kale oo Somali-Maraykan ah, oo lagu magacaabo Mohamed Abdillahi Hassan “Miski”, kaasi oo haatan gacanta ugu jira Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Somalia ee NISA.

Mid ka mid ah Farriimahaasi ay is-dhaafsadeen ayuu Khaalid Aadam C/qaadir ku sheegay inuu danaynayo inuuu socdaalo dalka Syria, kuna biiro Kooxda Daacish.

© Radio Dalsan           

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor