Somali la sheegay inuu sarqaansan oo dhac ka geystay Malta oo la xukumay.

Mohamed Hagi Abdiwahab Nur oo 36 jir ah, kana mid ah Qaxootiga Soomaalida ee ku jirta Xeradda Furan ee Marsa ee Jesiiradda Malta ayaa lagu xukumay Xabsi hal sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu goob Goomiste ah ka xaday Taayarka gaadiidka ee nooca Birta ah.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in shalay galab lagu soo qabtay Falkaasi, waxaana la tilmaamay  inuu Sarqaansanaa xilligii uu xadayey Taayarkaasi.

Eedeysanaha waxaa maanta la hor geeyey Maxkamadda, iyadoo ay Baarayaasha Boliska ku soo dacweeyeen Xatooyo.

Garsooradda qaadaysay Dacwadaasi ayaa sheegtay inay tahay markii 8-aad ee Eedeysanaha la hor keenayo Maxkamadda.

Garsooradda oo lagu magacaabo Sheri Herera ayaa ku xukuntay Eedeysane Mohamed Hagi Abdiwahab Nur Xabsi Hal sanno ah, waxayna ku canaanatay inuusan  is-xakamayn karin marka uu Alkolka cabo, waa sida ay hadalka u tiri.

Dhowr maalin ka hor ayey ahayd, markii ay Maxkamad ku taallo Malta xukun ku riday nin Somali ah oo si xun u dooxay nin u dhashay dalka Libya, kadib, markii ay dagaalameen.

© Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor