Somali lagu xiray Gobalka Balambala ee Kenya.

Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay qabteen 28 Somali ah, kuwaasi oo ka soo gudbay Xuduudka Somalia iyo Kenya.

Taliyaha Boliska Gobalka Garissa, James Kianda ayaa sheegay inay ciiddanku qabteen 17 rag iyo 11-haween, kuwaasi oo lagu qabtay Gobalka Balambala ee W/bari Kenya.

Dadka Deegaanka ayaa la sheegay inay Boliska u far muuqeen dadka Soomaalida oo saarnaa gaari ay soo kireysteen.

James Kianda waxa uu sheegay inaysan dadkaasi wadanin  wax Waraaqo Aqoonsi ah, waxaana lagu xiray Saldhiga Boliska Garissa.

© Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor