Somali lagu tuhusan yahay inuu hub u gudbinayey Alshabaabkii weeraray Jaamacadda Garissa oo dacwad lagu soo oogay

Ahmed Mohamed Abdullahi oo lagu naanayso Carab ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sare ee Kenya, isagoo lagu eedeynayo 8 fal-dembiyeed oo ay ku jiraan Argagixiso iyo inuu si sharci la’aan ku joogay dalkaasi.

Dacwad-oogayaasha waxay Maxkamadda hor keeneen maadooyin Kiimiko ah oo laga farsameeyo wax qarxa oo uu culayskeedu dhamaa 614 garaam.

 

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu watay Kiimikadda RDX oo loo adeegsado qaraxyadda iyo inuu sharci la’aan ku joogay Keny, isla markaana uu haystay Warqadda  Aqoonsiga ee Kenya ID Cards.

 

Eedeysanaha oo ay Boliska Kenya bishii hore ee March 13-dii ka soo qabteen Degmadda Thika oo 30-KM dhanka Bari kaga toosan Nairobi ayaa beeniyey dhamaan Eedeymihii lagu soo oogay.

 

Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee Kenya waxay ku gacan-sayrtay codsi uu Eedeysanaha ku doonayey in damiin lacageed lagu sii daaayo, iyadoo ay Xeer-beegtidda shaki ka qabaan Warqadda Aqoonsiga Muwaadinimadda Kenya ee  uu watay, oo laga bixiyey Xafiiska Diiwaangelinta Muwaadiniinta ee Deegaanka Habaas-weyne ee Degmadda Wajeer.

 

Maxkamaddu waxay amartay in Eedeysanaha Ahmed Mohamed Abdullahi oo lagu naanayso Carab xabsiga lagu si ihayo tan iyo bishan April 20-keeda, oo u umar kale Maxkmaadda ka soo hor-muuqan doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor