Somali ku nool Britain oo xabsi ku muteystay fal kufsi ah oo haddana la xiray

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray inay Waaxda Arrimaha gudaha ee Britain ka gaabsadeen inay ka hadlaan Nin Somali ah oo horey loogu xukmiyey in loo soo masaafuriyo dalka Somalia.

Ninkaasi oo lagu magacaabo C/majiid Al-camuudi  ayaa waxaa Xabsiga loo taxaabay sannadkii 2007-dii, kadib, markii lagu helay inuu kufsaday gabar 17-jir ahayd.

Eedeysanaha markii uu soo dhamaystay xabsigii 8-da sanno ahayd, ayaa waxa loo fasaxay inuu si caadi ah  ugu soo dhex laabto Degmadda Hull ee uu horey wax ugu kufsaday.

Wargeyska Daily Mail waxa kaloo uu qoray in mar kale C/majiid Al-camuudi  dib loogu celiyey Xabsiga, kadib, markii lagu helay inuu ka ganacsado Daroogadda nooca khatarta ee Kokaa’iinka.

Eedeysanaha oo la soo tagaay Maxkamadda Hull Crown Court ayaa waxaa dacwadiisa qaaday Guddi Garsoore oo ka kooban 7 nin iyo 5 haween ah, waxayna ugu dambeyntii ku dhawaaqeen xukunka lagu riday.

Garsoore Mark Bury oo ka mid ah Xeer-beegtidii Maxkamadda qaadaysay ayaa ku dhawaaqay in Eedeysanaha lagu xukumay xabsi 2 sanno iyo bar, iyo in dalka Britain laga maasfuriyo marka uu Xabsigiisa soo dhamaysto.

Dhinaca kale, wiil la dhashay C/majiid Al-camuudi  oo lagu magacaabo  Mohamoud Abi Al-camuudi oo 27-jir ah ayaa waxaa sannadkii 2006-dii la amray in loo masaafuriyo Somalia, kadib, markii uu kufsi geystay.

Laakiinse, isaga iyo walaalkiisa ayaan weli laga soo  masaafurinin dalka Britain.

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Britain ayaa sheegay inaysan shaki ku jirin in Shisheeyaha dembiyadda gala laga soo masaafuriyo dalka Britain, wuxuuna xusay in ka badan 23,000 oo qof la masaafuriyey tan iyo sannadkii 2010-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor