Somali ku hafatay doonidii ay boqolaalka Tahriibayaal ku le’deen oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Shaqaalihii Doonidaasi

Maxkamadda magaalladda Kataniya ee Jesiiradda Sishiliya ee dalka Talyaaniga ayaa la soo taagay Labo nin oo u kala dhalatay dalalka Tunisia iyo Syria, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ka dambeeyeen doonidoo ay ugu yaraan 700 Tahriibayaal ah ku geeriyoodeen Toddobaadkii hore.

 

Labadaasi nin oo lagu kala magacaabo Mohamed Ali Malik iyo Mohamoud Bikhiit ayaa la filayaa in maanta mar kale la soo maxkamadeeyo, iyadoo uu Garsoore ka tirsan Maxkamadda Kataniya   shalay  amray in labadaasi nin  lagu sii hayo Xabsiga.

 

Mohammed Ali Maalik oo  27-jir ah iyo Mahmud Bikhit oo 25-jir ayaa lagu soo oogay inay ka mas’uul yihiin inay qalibanto dooni dhererkeedu ahaa 20-mitir oo ay Boqolaal Tahriibayaal la socdeen, xilli uu Markab xamuul  doonayey inuu u gurmado Tahriibayaashaasi.

Dacwad-oogayaasha Talyaaniga waxay kaloo sheegeen in Kabtanka doonidaasi, Mohamed Ali Maalik lagu soo oogayo inuu boqolaal Tahriibayaal ah ku xiray qeybta hoose ee doonida, kuwaasi oo ka mid noqday Tahriibayaashii geeriyootay.

Dhinaca kale, Markhaatiyayaal ka mid ah Tahriibayaashii ka badbaaday doonidaas ayaa sheegay inay labo nin oo Soomaali ah oo ka mid ahaa Shaqaalihii doonidaasi hayeen furayaasha qeybta hoose ee Doonida ee Tahriibayaasha lagu xiray.

Labada Soomaalida ee la eedeeyey ayaa la sheegay inay ka mid noqdeen boqolaalkii Tahriibayaasha ee ku haftay badda, markii ay doonida qalibantay.

Markhaatiyayaasha waxay kaloo Maxkamadda ka hor sheegeen inuu Tahriib kasta bixiyey lacag ilaa 7,000 oo Dollar, si uu u soo raaco Doonidaasi oo ku soo wajahnayd Xeebaha Talyaaniga.

Waxay kaloo sheegeen in qaar ka mid ah Tahriibayaasha la jir-dilay ilaa ay ka geeriyoodeen, halka kuwa kalena ay cudduro ka qaadeen muddadii lagu hayey dhul-beereed u dhow caasimadda dalka Libya ee Tripoli, oo ay ku usgayeen in laga soo tahriibiyo.

Dhinaca kale, Kabtanka Markabka xamuulka ee badbaadin lahaa Tahriibayaasha iyo Hay’addaha Samafalka ayaa horey u sheegay inay in ka badan 800 Tahriibayaal ah ku hafteen doonidaasi degtay.

Shilkaasi oo dhacay maalintii Axadda ee la soo dhaafay ayaa lagu tilmaamay masiibadii ugu xumayd ee ka dhacda Badda Mediterranean  tan iyo wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor