Somali-Kenyan ka tirsanayd Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria

Shamsa Yuusuf Cabdi Nuur oo ka mid ahayd dadka Soomaalida deggan W/bari ee Kenya ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay dagaal ka dhacay dalka Syria, sida uu xaqiijiyey Aabaheeda.

Shamsa ayaa ka mid ahayd koox Arday Somali-Kenyan oo horey ugu biiray Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Aabaha dhalay Shamsa Yuusuf Cabdi Nuur oo la hadlay mid ka mid ah Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay inuu aad uga naxay, markii loo soo sheegay geerida gabadhiisa curudka u ahayd.

Aabe Yuusuf Cabdi Nuur oo 50-jir ah aya shegay in loo xaqiijiyey in gabadhiisa lagu dilay dalka Syria sannadkii 2016-kii, iyadoo ka barbar dagaalamaysay Kooxda Daacish.

Mar wax laga weydiiyey qaabka ay gabadhiisa ku dhooftay, waxa uu tilmaamay inay Deeq W/barasho ka heshay Jamaacadda “Africa International University” oo  ku taalla Caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum, si ay uga soo qaadato Shahaadada Bajalorka ee Cilmiga Daawada (A Bachelor Degree in Medicine).

Dhinaca kale, Aabe Yuusuf Cabdi Nuur oo horey u ahaan jirey Iimaam iyo Ganacsade waxa uu xusay inuu dhamaadkii bishii November ee sannadkii 2016-kii Telefoon ka helay Nin magaciisa ku sheegay Cismaan, oo Shamso la dhigan jirey Jamaacadda International University, kaasi oo ku wargeliyey inaysan Shamso joogin Jamaacadda.

Waxa uu intaasi ku daray inay dhowr maalmood kadib ay gabadhisia soo wacday, kana codsatay inuu u soo diro lacag dhan 615 oo ay ka dhigato Shopping iyo Tikidh ay dib ugu soo laabato dalka Kenya, balse aysan ku soo laabanin Kenya, oo ay u gudubtay dalka Syria.

Aabe Yuusuf Cabdi Nuur oo la xanuunsan Cuddurka Macaanka iyo Dhiig-karka waxa uu tilmaamay inuu u dhoofay caasimadda dalka dalka Sudan ee Khartoum, si uu u baadi-goobo gabadhiisa.

,Waxa u utilmaamay inay Madaxda Jamaacadda Africa International University”  taageero ka siiyeen baadi-goobka gabadhiisa, waxayna siiyeen gaari, Dareewal iyo Turjumaan gacan ka geysta baadi-goobkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in uu ku soo wareegay  magaalladda Khartoum, isagoo gacanta ku haysta sawirka gabashiisa, Shamso .

“Xitaa waxaan tegay meelsaha Khatarta ee ay Kooxaha Mukhalasiinta dadka ka tahriibiyaan ee ku yaalla xuduudka Libya, isla markaana uu tusiyey sawirka gabadhiisa, balse uu ku guul-daraystay raadinteeda” ayuu yiri Aabe Yuusuf Cabdi Nuur

Waxa uu intaasi ku daray inuu tegay halkii ay degganayd Shamsa, balse uu ka soo helay Baasaboorkeeda Kenyanka iyo xoogaa dharkeeda oo keliya, wuxuuna Aabaha isagoo niyad-jabsan dib ugu soo laabtay Nairobi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media