Somali Kenyan ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab, iskuna dhiibay Ciiddanka Ammaanka Kenya oo la la’ yahay

Qoyska Isaaq Aadan Mahad ayaa waxay ka codsadeen Maxkamadda Sare ee Kenya inay soo farageliyaan Kiis la xiriira iyadoo ay Ciiddanka Ammaanka qabteen Wiilkooda oo horey uga tirsanaa Alshabaab, balse ay Ciiddanka Kenya qabteen bishii December 17-dii ee sannadkii 2012-kii.

Garyaqaanka qoyskaasi oo lagu magacaabo Gitobu Imanyara ayaa sheegay inay Dowladda Kenya mas’uuliyadda ka saaran tahay badbaadinta Muwaadiniinta oo dhan, balse ay ku guul-daraysatay inay soo farageliyaan Kiiskaasi.

Waxa uu ugu baaqay Taliyaha Guud ee Boliska Kenya iyo Madaxa Waaxda Baarista Dembiyadda inay sida ugu dhaqsaha badan ay Maxkamad soo taagaan Isaaq Aadan Mahad amaba ay dib ugu soo celiyaan xorriyadiisa shaqsiyadeed.

Garyaqaanka waxa kaloo uu tilmaamay inay Familka Isaaq Aadan Mahad doonayaan inay Dowladda u caddayso inuu  wiilkooda nool yahay ama uu geeriyooday.

Yacquub Isaaq Mahad oo la dhashay ninka la la’ yahay ayaa sheegay inuu walaalkiisa ay kaxaysteen Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Ammaanka Kenya, xilli uu ku sugnaa hoygooda oo ku yaalla Degmadda Mandera.

Waxa uu sheegay inay qoyskiisa ku daaleen sidii ay u heli lahaayeen halka uu ku dambeeyo, maadaama ay Ciiddanka Dowladda kaxaysteen.

 © Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor