Somali Kawaanleey ka ah Maraykanka oo joojiyey Shaqada, kadib, markii loo diiday Fasax ay ku tukadaan

Ku-dhawaad 200 Shaqaale Somali ah oo ka hawlgala Shirkad farsamaysa Hilibka oo ku taalla Degmadda Fort Morgan ee Gobalka Alabama ee K/bari Maraykanka ayaa waxay si wadajir ah shalay galab uga wada huleeleen goobtii shaqada, kadib, markii ay Madaxda Shirkadda kala kulmeen cadaadis ku aadan  Fasaxa Xilliyadda Salaadda.

Shabakadda Wararka ee fortmorgantimes.com ayaa maanta shaacisay inay inta badan Shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka hawlgala Shirkadda The Cargill Meat Solutions ka cabanayaan Madaxdooda, oo u diiday fasax min 5 daqiiqo ah Xilliyadda Salaadaha si ay u gutaan waajibaadkooda.

Inta badan Shaqaalaha Soomaalida waxay ku goodiyeen inay ka ruqseysan doonaan Shaqada Shirkadda, haddii uusan Maamulka ka laaban waayo  Sharciga cusub ee ay ku mamnuuceen in  la tukado Xilliyadda Salaada.

Xamsa Xuseen oo ku-dhawaad labo sanno u shaqeynayey Shirkadda Hilibka ee The Cargill Meat Solutions waxa uu Suxufiyiinta u sheegay  inay Shaqaalaha horey loo siin jirey Xilli ay ku soo tukadaan, balse Maamulka Shirkadda uu Jimcihii hore mamnuucay fasixii koobnaa ee Tukashadda Salaadda.

“Salaadda waa Muhiimadeena Koowaad, waxaan nahay Muslimiin, ma doonayno inaan iyaga u shaqeyno, haddii aan la tukan karin” ayuu yiri Xamsa Xuseen.

Dhinaca kale, Madaxa Isgaarsiinta ee Shirkadda The Cargill Meat Solutions, Mike Martin waxa uu sheegay inaysan mamnuucin inay Shaqaalaha Muslimiinta tukadaan, balse ay ku baaqeen in labo-labo loo soo tukado, si uusan isku dhimin Wax-soo-saarka Shirkadda.

Waxa kale uu sheegay inay Wada-xaajood ay kula jiraan Shaqaalaha Soomaaliyeed, kana rajo qabo inay ka soo bixi doonaan Natiijo Wanaagsan.

©Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor