Somali dhac geystay oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka

Maxkamadda Degmadda Rice County ee Gobalka Minnesota ayaa la soo taagay Labo Muwaadin Maraykan lagu kala magacaabo Abdulkadir Ali Adan iyo Salman Jimale Dahir, kuwaasi oo deggan Xaafadda Faribault ee dEgmadda Rice County.

Labada Eedeysane ayaa lagu soo oogay dembi ku adaan Isku-day dhac fudud, kadib, markii ay magaalladda bartankeeda ku baarteen nin Maraykan ah.

Qoraal uu Dhibanaha u gudbiyey Boliska ayuu ku sheegay inay Labada Eedeysane oo uu wehliyey nin kale oo caddaan ah ay jeebkiisa baarteen, kadibna ay kala baxsaden xoogaa lacago ah.

Boliska waxay sheegeen inay Eedeysanaha Salman Jimale Dahir  inay ku sameeyeen baaritaan, kuna ogaadeen inuu sarqaansanaa, waxayna neeftiisa muujisay inuu alkolka ku jira dhigiisa gaarayso  heerka .086

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in ay mar kale ka soo hor muuqdaan Maxkamadda bisha soo socota ee September 2-da, waxayna muteysan karaan Xabsi min 5 sanno ah iyo ganaax dhan 1,000 Dollar, amaba  la isugu dari doono xabsiga iyo ganaaxa.

© Radio Dalsan

Salman Jimale Dahir ABDULKADIR ALI ADEN

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor