Soma Oil and Gas oo lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Kooxda Baarayaasha QM ee xayiraadda Hubka saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa xaqiijisay inay baaritaan ku hayaan Shirkaddaasi oo uu Madax ka yahay Michael Howard oo hatan xubin ka ah Aqalka Odayaasha ee Barlamaanka Britain., iyadoo ay QM ku tuhunsan tahay inay suurtogal tahay inay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo Kooxaha loogu yeero Xagjirayaasha.

Wargeyska BuzzFeed ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa markii ugu horreysay qoray Warqad ka timid Kooxda Baarayaasha QM ee Xayiraadda saaran dalalka Somalia iyo Eritrea oo ay ku xaqiijiyeen inay Shirkadda Soma Oil and Gas Limited ee fadhigeedu dhexe ku yaallo dalka Britain lagu hayey baaritaan tan iyo bishii November ee sannadkii hore.

Waraaqaha Baaritaanka waxa is-dhaafsaday Kooxda Baarayaasha QM iyo Wakiilka Joogtadda ee Dowladda Norway u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New Yorrk.

Waxay kaloo u muuqataa inay Qoraaladaasi arkay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Britain u jooga Xarunta dhexe ee QM.

hassan kheireBaarayaasha waxay u muuqataa inay diiradda ugu xooggan saareen Muwaadin Somali haysta dhalashadda dalka Norway oo lagu magacaabo Xasan Kheyre, kaasi oo ah Agaasimaha Shirkadda Somalia Oil and Gas ee Bariga Afrika iyo inuu qeyb ka yahay Saamileyda Soma Oil and Gas.

Baarayaasha QM waxay ku eedeeyeen Xasan Kheyre inuusan ka soo jaawabin codsi ay bishii May ee sannaddkii hore kaga codsadeen inuu Baarayaasha u soo gudbiyo Diiwaankiisa Bangiga iyo Canshuuraha.

Baarayaasha QM waxay kaloo sheegeen inay  iskaash la sameeyey Dowlad aan la magac-dhabin oo u suurtogelisay si loo helo Liiska  dadka uu Xasan Kheyre kula xiriiray E-mailadda.

Waxay kaloo tilmaameen inay weli jirto walaaca laga qabo inuu Xasan Kheyre xiriir la leeyahay Kooxaha ka dhisan Bariga Afrika oo ay ku jirto Kooxda Alshabaab ee gacansaarka la leh Alqaacida, taasi oo loo maleynayo inay dileen ilaa 120 qof dhowrka bilood ee ugu horreeys sannadkan 2016-ka oo keliya.

UN MONITORING GROUP

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ay soo saareen Shirkadda Soma Oil and Gas waxay ku sheegeen inuusan Xasan Kheyre wax xiriir ah la lahayn Xag-jirayaasha ama Kooxaha Argagixisadda.

Waxaana la sheegay inay dhaawac xooggan iyo aflagaado noqonayso haddii la yiraahdo Xiriir baa ka dhexeeya Somas Oil , Xasan Kheyre iyo Argagixisadda.

Lord HowardShirkadda Soma Oil waxaa kaloo ku faruuran Baaritaano kale, iyadoo Xafiiska SFO ee Britain baarayaan Musuq la sheegay inuu hareeyey hawlaha ay Shirkaddaasi ka wadaan Somalia.

Somali Oil and Gas waxaa Guddoomiye u ah Michael Howard, kaasi oo hoggamain jirey Xisbiga Conservativeka Britain muddadii u dhexeysay 2002-dii ilaa 2006-dii, wuxuunahaatan xubin ka yahay Aqalka Odayaasha ee “The House of Lords”.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor