Soddomeeyo Tahriibayaal ah oo maanta ku haftay Badda Mediterreaneanka

Wakiilka Hay’adda Badbaadi Carruurta u jooga magaalladda Kataani, Jofaana di Bendetto ayaa sheegay inay tobaneeyo  qof ku geeriyoodeen dooni maanta ku degtay  Koonfurta Kesiiradda Sishilis ee Talyaaniga.

Mid ka mid ah Tahriibayaasha ayaa sheegay inay ku-dhawaad 40 Tahriibayaal ku geeriyoodeen shilkaasi.

Dadkii ka badbaaday shilkaasi oo  maanta la soo gaarsiiyey magaalladda Kataniya ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay inay dad badan ku hoobteen badda, xilli uu Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Malta gurmad ahaan ugu soo dhawaaday doonida degtay.

Doonidaasi ayaa waxaa la socday 137 Tahriibayaal oo u kala dhalatay Ghana, Gambia, Senegal iyo  Ivory Coast waxay ka soo ambabaxeen Xeebaha dalka Libya, iyagoo ku soo wajahnaa  Xeebaha Talyaaniga.

Dhinaca kale, ugu yaraan 1,750 qof ayaa sannadkan ku geeriyooday xilli ay ku soo tahriibayeen Badda Mediterreanka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor