Socdaalka Xaaf,Samo ma u keeni karaa Shacabka Puntland iyo Galmudug (Faalo)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf ayaa weli ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug kaas oo Shalay Safar dhinaca dhulka ah uu ku tegay isagoo sii maray deegaanka Galinsoor.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu la kulmayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo iyo Masuuliyiinta Maamulka Galmudug uga wakiilka ah,wuxuuna socdaalkiisa ku sheegay in uu yahay mid Nabadeed kaas oo uu ku soo mari doono deegaano badan oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug.

Hadaba Socdaalka Madaxweyne Xaaf,ayaa la isweeydiinayaa wax maka bedeli karaa xiisadii dhowr mar gacan ka hadalka dhalisay ee dhex martay ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug,halka dadka siyaasada la socda ay soo bandhigayaan dhowr qodob oo laga dhaxli karo booqashooyinka Madaxweyne Xaaf,kuwaas oo kala ah.

1:Mid isku keena Bulshada la kala geeyay ee laga dhex abuuray in ay si iskood ah isku nacaan kuwaas oo hada qaarkood isbedel laga dareemayo.

2:Xasilooni iyo isdhexgal labada Shacab ee ka soo kala jeeda dhinacyada Puntland iyo Galmudug taas oo keeni karta wax isdhaafsi arimaha adeegyada Bulshada ah.

3:  u taramida Mashaariicda Hay’addaha shisheeye ay ka fulinayaan Maamulada lamid ah kuwa Galmudug iyo Puntland ee dalka ka jira Balse badankood ay ku waayeen xiisadii u dhaxeysay labada dhinac.

4: Gaalkacyo oo Nasiib u yeelata in mudo dhowr sano ah kadib si Nabadgelo  ay ugu wada noolaadaan Shacabka Puntland iyo Galmudug.

5: Wax wada qeybsiga dhinacyada ku saleysan Maamulada iyo waliba daqliga Ganacsiga u badan ee ka jira Gobolada Mudug iyo Nugaal.

6: iyo iskaashi ku aadan iska difaacida dagaal kaga yimaada dhanka Al-Shabaab iyo Daacish taas oo sahli karta in Nabadgelyo ay noqdaan guud ahaan deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Gaba gabadii Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Cadaado ku kala saxiixday kadib Xafladii Caleema-Saarka Madaxweyne Xaaf,heshiiskaas oo inta badan la soo dhaweeyayiy iyagana ay sheegeen in ay dhaqangelin doonaan.

W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media