Socdaalka Obama ee Kenya oo la sheegay inaysan Alshabaab carqaladeyn karin

Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, Josh Earnest ayaa sheegay inaysan jirin wax isbedel ah oo ku yimid booqashadda uu Madaxweyne Barack Obama bishan 25-da ku tegi doono dalka Kenya, iyadoo la hadal hayo inay weeraraddii Alshabaab dhawaan ka geysteen Mandera ay isbedel ku keenayso booqashadaasi.

Josh Earnest waxa uu sheegay inay Maraykanka ku taageerayaan Kenya dadaalka ay kula dagaalamayaan Alshabaab, wuxuuna carrabka ku dhuftay in weerarkii Alshabaab dhawaan ka geysteen Mandera uusan sabab u noqon karin in la bedelo jadwalka safarka Obama ku tegayo Kenya.

“Maraykanka waxay sii wadayaan Taageeradda dadaalka La-dagaalanka Argagixisadda. Alshabaab waxay khatar ku yihiin Ammaanka Kenya iyo Ammaanka guud ee Qaaradda Afrika” ayuu yiri Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, Josh Earnest.

Madaxweyne Barack Obama ayaa la filayaa inuu bishan July 25-da booqasho ku tego Kenya, isagoo kulamo la qaadan doono dhigiisa dalkaasi, Uhuru Kenyaatta, kana qeyb geli doono Shirweynaha 6-aad ee Ganaacsiga xorta ee Caalamiga.

Xigasho: The Star

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor