Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo la kulmi doona Uhuru Kenyatta

Siyaasiga Aadan Barre Ducaale ee aqlabiyadda ku dhex leh Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Waxbarashadda ee Gobalka W/bari Kulan Guud la yeelaan doonaan Madaxweynaha Kenya, si la iskula meel dhigo caqabadaha iyo amni-xumida ka jirto Gobalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Madaxweyne Uhuru la kulmi doonaan Maalinta Arbacadda ee soo socota.

Dhinaca kale, Aadan Barre Ducaale waxa uu ka hadlay Imtixaanadda Ardayda dhigata Dugsiyadda Gobalka W/bari oo ay Wasaaradda Waxbarashadda Dowladda Dhexe horey u sheegtay in dib loo dhigay Qabashadda Imtixaanaadka sababo dhinaca ammaan-xumida.

Waxa uu tilmaamay inay Hoggaamiyayaasha Gobalka  dadaal u geli doonaan si aan Imtixaanadda dib loogu dhigin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Imtixaanaadka la qaadi doono bilowga sannadka soo socda.

Wasiirka Waxbarashadda ee Kenya, Jakob Kaymenyi  waxa uu bishii hore ee July 22-dii ka codsaday Guddiga Waxbarashadda ee Barlamaanka in dib loo dhigo qaadista Imtixaanaadka Dugsiyadda ku yaalla Gobalka W/bari.

Tan iyo bilowgii sannadkan, Golaha Macallimiinta Kenya waxay bedelen 886 Macallimiin aan u dhalanin Garissa, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhowr jeer weeraro ka geysteen W/bari Kenya oo dad lagu dilay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor