Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka digay Urur-diimeed cusub oo lagu dhawaqay

Maalmahan danbe waxaa si wayn u soo shaac baxaya culimo kala aragti duwan oo si wayn baraha bulshada u soo buux dhaafiyey. Waxaa ugu danbeeyey kooxda la baxday الصادعون بالحق ” kuwa aan xaqa la gabanin”.

Markaan daawaday fariinta ay soo duubeen ragaasi waxay markiiba ii sii dhiibtay YouTube ka fariiin taa la mid ah oo afka Carabiga ku baxaysa oo ay duubeen culimo Carbeed oo aan u qaatay in ay Masar joogaan, halkaasoo ah halkii ay Jamaacadan ka soo askuntay.

Labada fariin ee Afka Carabiga iyo Soomaaliga ku kala baxay dhinac waliba ayey iska leeyihiin , hadii ay tahay  nuxurka fariinta, qaab fadhiga, labiska, hanaanka hadal soo jeedinta. Xubnaha labada qoloba waxaa ugu yaraa 50jir. Nuxurka Fariintu waxay ahayd.

1- In fahamka Diinta ee dadka Muslimka sheeganaya uu khaldan yahay. Iyaguna ay u soo bandhigayaan sida uu Xaqu yahay, wax kastaba ha ugu kacdee.

2- In aysan adeegsan doonin xoog iyo gacan ka hadal, dacwadooduna ay gun kasoo dhis tahay taasoo Tarbiyo iyo Toosin ah.

3- Inkastoo aysan Afka ku cadaynin, hadana nuxurka Fariintu waxay ahayd in dadka Soomaaliyeed ay Jaahiliyad iyo Dhaaquud isku dhiibeen oo ay Dastuur iyo Dimoqoraadiyad aamineen, taasina ay gaalnimo tahay xitaa hadii aad Shahaadataynka ku dhawaaqdid.

4- In Xaqa iyo Fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka uu yahay kooda oo qur ah. Waxa ka soo harana ay baadhil yihiin, Islaaminana ay tahay tooda oo keli ah.

Jamacaada Al- Dacwah Walhijra, ama Jaamacada Muslimiinta sida ay isku yaqaanaan ama Jaamacada Altakfiir Walhijra, sida loo yaqaan, laakiin magaca bedelatay ee la baxday الصادعون بالحق”. ” kuwa aan xaqa la gaban” waa jaamaco ka dhalatay Xabsiyada Dalka Masar lixdameeyadii ka dib markii uu Jamaal Cabdi Naasir dagaalka adag ku qaatay Akhwaanu Muslimiinka. Ragii Xabsiyada laga buuxiyey ayaa qaarkood la yimaadeen Fikir ah in C/naasir uu gaal yahay, shacabka Masar na ay gaalo yihiin maadaama ay isaga dhaaquutka ku raaceen. Waxay ku faafeen dunida Muslimka, laakiin siyaabo kala duwan ayey u dhaqmayeen.

Salafiyada Jihaadiga ee Alqaacida, Daacish iyo Alshabaab dhashay waxay salka ku hayaan kooxdan, inkastoo ay qaabka/ wasiilada isku khilaafsan yihiin hadana Mabda’a waa isaga mid. Sidoo kale ayey Akhwaanu Muslimiika iyo Salafiyada/ Wahaabiyadda isku khilaafsan yihiin sida siyaasada loola fal gelayo. Doodaha muslimiinta ka dhex oogan ee la xariira Diinta iyo Siyaasada waa kuwo xoogan oo dhinacyo adag laga kala taagan yahay. Taariikhda Islaamka qalalaasihii ka dhashay dilkii Sayidunaa Cusmaan Bin Cafaan ka dib iyo dagaalkii Sayidunaa Cali iyo Mucaawiya sidaas ayey siyaasadu u qasnayd, xukunkana u wareersanaaa.

Ka Digtoonow Kitaab Gaablow

Dhibaatada ugu wayn ee Muslimka haysataa waa iswaafajinta Diinta iyo Nolosha taa soo ku imaan karta falgalka togan ee Naska (Waxyi) iyo Waaqaca oo ah nolosha aduunka ee bani’aadamku la daalaa dhacayo. Masuuliyada Caalimka, Wadaadka ama Sheekha waa is haleelsiinta Naska iyo Waaqica nololeed.

Hadaba si aad Naska u fahamtaa waa in aad baac dheer u leedahay Quraanka iyo cilmiga Quraanka, Xadiiska iyo Cilmiga Xadiiska, Luqadda Carabiga iyo Cilmiga Luqadda sida (Naxwaha, Sarfiga iyo Balaaqadda), Fiqiga iyo Cilmiga Ushuusha Fiqiga. Sidaasoo kale ayey lagama maarmaan u tahay in aad aqoon durugsan u leedahay Cilmiga Waaqica sida Cilmiga Bulshada, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Xiriirka Dawliga, Climi Nafsiga, Falsafada iwm. Wadaadku hadii uusan labada cilmi aqoon ama midkood war badan ka hayn way adagtahay in uu Diinta iyo Waaqaca is waafajiyo ee waa Kitaaba Gaablow ee ha ku kadsoomin.

W.Q. C/raxmaan C/shakuur Warsame

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media