Siyaasi Soomaaliyeed oo ku baaqay in inta lagu mashquuli lahaa 4.5 loo gurmado dadka dhibateysan

Iyadoo abaara saameyay nolosha dadka iyo duunyada ay ka jiraan qaar kamida gobolada Somalia ayaa hadana waxaan muuqan gurmad balaaran oo ay helayaan dadkaas kadib markii wax garadka,Siyaasiinta iyo Dowlada Federaalkaba ay ku mashquleen qaabka doorashada ee dalka iyo nidaamka 4.5

Siyaasiga Max’ed Max’uud Nuur ayaa sheegay in dad badan hada ay baahi iyo biyo la’aan ugu geeriyoonayaan qaar kamida gobolada dalka kuwaas oo u baahan in gar gaar lala gaaro.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in inta logu mashquulli lahaa 4.5 loo baahan yahay in lagu mashquulo u gurmashada dadka abaarta u dhimana xiligaan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor