Wararka aan ka heleyno Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ku soo wajahan yahay nin sheegtay in uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Maamulka Soomaaliland.
Ninkan oo lagu Magacaabo Mustafe Maartin ayaa ka soo kicitimaya dalka Mareykanka,waxana ilo ku dhow dhow madaxtooyada Puntland ee Garoowe ay sheegeen in diyaar garow lagu soo dhaweynayo uu jiro.
Siyaasigaan ayaa isaga oo ku sugan dalka Mareykanka waxa uu ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Soomaaliland,kadib markii MadaxweyneMuuse Biixi laga tirsaday cadaaladdarro sida uu hadalka u dhigay.
Markii uu soo gaaro Garoowe ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.