Siyaasi Kenyaati ah oo ku eedeeyey AMISOM inay Alshabaab ka iibiyaan hubka ay ku hawlgalaan

Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya, Farah Macallim ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin ilaha Alshabaab ku taageera Hubka ay ku dagaalamaan.

Isagoo la hadlayey Wargeyska the Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay hayaan warar sheegaya inay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM hub ka iibiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

“Waxaan ka walaacsanahay waa halka Alshabaab hubka ka soo gaaro. Ilaah ayaa mahad leh, ma hayno warar sheegaya inay Alshabaab hubka ka helaan Ciiddanka Kenyaatiga iyo Jabuutiyaanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM” ayuu yiri Faarax .

Siyaasiga Faraax Macallim waxa uu hoosta ka xariiqay inuu aad u saluugsan yahay inay Ciiddanka kale ee AMISOM ee lagu tuhmayo inay Alshabaab u fududeeyaan  hubka ay ku dagaalamaan., wuxuuna ka digay inay arrimahaasi dhantaali karaan dadaalka loogu jiro in nabad laga dhaliyo Gobalka.

Dhinaca kale, waxa uu su’aal ka keenay sababaha aysan Alshabaab u beegsanin dalka Ethiopia, wuxuuna xusay inay dhici karto Taatiko Isfaham oo ay labada dhinac gaareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor