Siyaasi ka soo jeeda Soomaalida Kenya oo ka soo horjeestay qorshe lagu xirayo Kaawooyinka laga qodo Dhagxaanta ee Mandera

Senator Billow Keerow ayaa si kulul uga hor yimid qorshe ay Dowladda Kenya ku doonayso in lagu xiro Kaawooyinka Dhagaxa Mandhera, sababo la xiriira dhinaca Ammaan-xumida.

Waxa uu tilmaamay inuu go’aankaasi yahay mid muujinaya inaysan Dowladda hubaal ka dhigi Karin ammaanka dadka Kenyaanka ee ku nool Gobalka W/bari.

Senator Billow Keerow oo laga soo doorto Mandheera ayaa tilmaamay inay Kaawooyinka yihiin Firaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, isla markaana ay ka xoogsadaan dadka saboolka ah, wuxuuna ka digay haddii la xiro Kaawooyinka inay dhibaateyn karto nolosha shaqaale badan oo deegaanka ah.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inay Kaawooyinka ku fadhido dhul dhan 10 KM oo isku wareeg ah, iyadoo ay Gobalka W/bari ku sugan yihiin Saraakiil dhinaca ammaanka oo tiradoodu ka badan tahay 800 oo qof, oo ka kala socda Ciiddanka Milliteriga, Boliska caadiga iyo kuwa GSU iyo RDU.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii uu Guddoomiye-xigeenka Bariga Mandera, Elvis Korir waxa uu shalay ku dhawaaqay in la xirayo Kaawooyinka sababo la xiriira dhinaca ammaanka Deegaanka/

Go’aankaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab  bishii hore ee July 7-dii weerar ku dileen Shaqaale tiradoodu dhan tahay 14-qof, kuwaasi oo ka xoogsan jirey Kaawooyinka ku yaalla Mandera.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor