Sirdoonka Yuhuudda oo sheegay inay Alshabaab, Daacish iyo Boko Haram khatar ku yihiin Danaha Yuhuudda

Madaxa Golaha Qaranka Yuhuudda ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, Eitan Ben-David ayaa uga digay Dadka Yuhuudda  inaysan u safrin 27-Waddan oo ay Somalia ku jirto.

Isagoo Saxaafadda kula hadlayey magaalladda Televiv ayaa waxa uu sheegay in iyadoo ay dadka Yuhuudda foodda ku soo hayso Dabaaldegga Maalmaha ay ugu yeeraan Maalmaha Ducadda Sare “The High Holy Days” ayaa waxa uu ka digay inaysan dfadka Yuhuudda safaro aan daruuri ahayn ku tagaan 27-waddan oo uu sheegay inay Khatar ku yihiin Danaha Yuhuudda.

Mas’uulkaasi waxa uu cabsida ugu weyn ka muujiyey dalalka  Turkiga, Syria, Iiraan, Lubnaan, Yemen, Sacuudiga iyo Kooxaha Shiicadda.

Waxa kaloo uu Dadka Yuhuudda uga digay inay booqasho ku tegin dalalka Somalia iyo Nigeria, oo uu xusay  inay khatar kala kulmi karaan Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Boko Haram.

Dhinaca kale, Madaxa Golaha Qaranka Yuhuudda ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, Eitan Ben-David waxa uu carrabka ku dhuftay in mid ka mid ah cabsida ay qabaan tahay inay Dagaalamayaasha Kooxda Daacish weeraraan Yuhuudda ku nool Waqooyiga iyo Galbeedka Qaaradda Europe.

Waxa uu intaasi ku daray in Dagaalamayaasha Daacish ee ku laabtay Qaaradda Europe  qorsheynayaan inay beegsadaan Danaha Yuhuudda ee Europe.

Madaxa Golaha Qaranka Yuhuudda ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, Eitan Ben-David  waxa kaloo uu ka digay Maleeshiyooyinka Islaamiyiinta ee Hawlgalladda ka wada Gacan biyoodka Siinaay, oo uu xusay inay khatar gelin karaan Saraakiisha Yuhuudda ee ku sugan gudaha dalka Masar.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor