Sirdoonka Somalia oo ku eedeeyey Carmalada Cad ee Britishka weeraradii ay Alshabaab ku dileen boqolaal Kenyaati ah

Carnaladda Cad ee dalka British ee  lagu magacaabo Samantha Lewthwaite oo ay Boliska Adduunka ee  INTERPOL baadi-goobayaan ayaa la sheegay inay ku lug leedahay weeraro ay Alshabaab ka geysteen dalka Kenya, laguna dilay in ka badan 400 oo qof.

Sarkaal  Sare  oo ka tirsan Waaxda La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda ee Sirdoonka Somalia oo la hadlay Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa ku tilmaamay Haweeneydaasi qof  Shaydaan ah, balse khibrad u leh  Hawlgalladda, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Marwadaasi marnaba ma seexato hal meel labo jeer, waqtiga oo dhan meel ayey u wareegtaa” ayuu yiri  Sarkaalkaasi oo intaasi ku daray inay si dirqi ah kaga baxsatay weerar ay Diyaarad Drones ay bishii March 12-dii  ka  geysatay meel ku dhow Degmadda Diinsoor.

Samantha Lewthwaite oo ah hooyo afar carruur leh ayaa la rumeysan yahay inay ku lug lahayd qorshihii bishii hore ee April 2-dii lagu weeraray Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya, laguna dilay 148 qof oo u badnaa arday.

Sarkaalka Sare ee ka tirsan Sirdoonka Somalia ee  maanta Wareysigiisa lagu soo daabacay Wargeyska The Mirror ayaa ku eedeeyey Carmalada Cad inay ahayd maskaxdii ka dambeysay Weerarkii bishii February ee sannadkan ka dhacay magaalladda Muqdisho, laguna dilay 25 qof.

Wargeyska waxa uu qoray inay falkaasi fulisay haweeney Somali ah oo  deganaansho British haysatay.

Taliye ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalka Kenya oo la hadlay Wargeyska The Mirror ayaa sheegay inay Carmalada Cad Xil Sare ka hayso Hoggaanka Alshabaab, oo ay tahay Gacanta Midi gee Hoggaamiyha Alshabaab, Ahmed Cumar, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Samantha Lewthwaite waxay soo islaantay bartamihii sannadihii 1990-aadkii, waxaana saygeedii hore  oo la oran jirey Jermayne Lindsay ka mid ahaa rag isku qarxiyey magaalladda London bishii July 7-dii e esannadkii 2005-tii, laguna dilay 52-qof.

Qaraxyaddii London kadib, waxay Samantha Lewthwaite u soo  baxsatay Somalia, kuna biirtay Alshabaab.

Xigasho:- The Mirror

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor