Sirdoonka Milliteriga Kenya oo ku lug lahaa gelbinta Duullimaadkii Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Unug ka tirsan Sirdoonka Milliteriga Kenya ku lug lahaayeen dhamaan maaraynta Hawlaha Duullimaadkii u horreeyey ee maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay isaga kala gooshay Muqdisho iyo Nairobi iyo La-socoshadda Rakaabkii saarnaa Diyaaradaasi.

Ilo la hadlay Wargeyskaasi ayaa sheegay in Saraakiisha Sirdoonka Milliteriga Kenya ku lug lahaayeen dhaqdhaqaaqyadda dhulka, gaar ahaan Shidaal-siinta Siyaaradaha ee Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo aan dadka loo sheegin Dhaqdhaqaaqaasi.

Ka-hor inta aan dib loo bilaabin Duullimaadka Tooska, Koox isku dhaf ah oo ka socday Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa socdaal ku yimid Muqdisho, si ay u qiimeeyaan ammaanka gudaha iyo duleedka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Duullimaadkaasi oo ay la socdeen 49 qof oo rakaab ah ayaa ka degay Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi.

Duullimaadyada ka ambabaxa Muqdisho waxay horey 10-kii sanno ee la soo dhaafay ka degi jireen Garoonka Diyaaradaha ee Degmadda Wajeer, halkaasi oo Rakaabka iyo Shandahooda lagu baari jirey, ka hor inta aysan u si idhoofin Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa horey u sheegay dadka Reer Kenya in la qaadayo Tallaabo kasta oo lagu adkeynayo Ammaanka Rakaabka la socda Diyaaradaha isaga kala goosha Somalia iyo Kenya.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media