Sirdoonka Maraykanka oo dhibaato kala kulma Hawlgalladda Droneska lagu ugaarsanayo Saraakiisha Alshabaab

Wargeyska The Intercept ayaa qoray inay Ilo ka tirsan Sirdoonka Maraykanka sheegeen inay culays kala kulmaan baadi-goobka Saraakiisha Xarakadda  Alshabaab ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

Wargeyska waxa uu qoray inay Hagayaasha Diyaaradaha Droneska ee Sirdoonka Maraykanka ku guuleysan la’ yihiin helitaanka xubnaha Alshabaab ee u qorsheysan inay ka takhalusaan.

Wargeyska waxa uu qoray inkastoo ay Droneska ku rakiban yihiin Qalab Teknoolajiyad casari xambaarsan, haddana waxay CIA-du sheegeen inay ku fashilmeen inay Hawlgalladda Droneska ku helaan Shaqsiyaadka Alshabaab ee ay bartilmaameedsadaan.

Dhinaca kale, Wargeyska The Intercept ayaa qoray inay ilo qarsoon ka heleen Xogta ku aadan caqabadaha la soo darsay Hawlgalladda Droneska Maraykanka ee ay ku ugaarsadaan Shaqsiyaadka loogu yeero Argagixisadda ee ku nool dalalka Somalia iyo Yemen.

Droneska Maraykanka waxay horey Hawlgallo qorsheysan ugu dileen Madax Sare oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab, oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyahoodii hore,  Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane oo loo yaqaanay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr.

© Radio Dalsan

Xigasho:The Intercept

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor